Waxaan ahay nin jecel horumarinta Luuqadeena Hooyo, wixii horumar leh taageera, isla markaana jecel wanaaga iyo bulsho la dhaqanka wacan. Waxaan aad u jecelahay in la helo macluumaad cilmiyeysan oo ku qoran Af-Soomaali. Wixii awoodeyda ah waan ka qeeyb qaadan shaqadaas. Wixii macluumaad ama su'aal ah fadlan fariintaada iigu qor Bogeyga wadahadalka.
Maahmaah ayaa tidhaahda "Hadal nina si u odhay nina si u qaadey"; taasi oo macnaheedu yahay in dadku isku si wax u arkin isla markaana aanay lahayn fikrado siman. Sidaasi darteed waxaan kaa codsanayaa hadii aad i dhaliisho, fahmi weydo wax aan sameeyay, aad rabto inaad ila taliso ama wax ii sheegto intaba waxaan ku soo dhaweeynayaa gacmo furan. Anigu intii karaankeeyga ah waxaan ku dadaalayaa inaan dhexdhexaad ahaado isla markaana la shaqeeyo qof kasta. Mar kale, hadii aad qabto su'aal, ama heyso talo iyo tusaale, aad isleedahay wax u sheeg ama ku darso; aad ayaan usoo dhawaynayaa inaan dadka kale wax ka maqlo, fadlan iigu qor bogayga wadahadalkeyga
Howlaha iyo Shaqada halkan
Waxaan ahay isticmaale oo Raba inuu wikipedia Soomaali ku biiriyo maqaalo badan wax tar leh aan ilaaliyo bogaga muhiimka ah iyo in aan dib u hagaa jiyo bogaga lagu ciyaaray.
Xasuusin
Ku soo dhawoow Boggayga! Waxaan fariintaada kuugu soo jawaabi Boggaada, hadii aad tahay qof aan ciwaan ku lahayn wikipedia, halkan ayaan kuugu soo jawaabi.
Marka aad fariin ii reebeysid fadlan talaabooyinkan raac:
Waa in qoraalkaagu yeeshaa ciwaan sare adigo ku qoraya khaanada eey ku qoran tahay (subject/headline).
Hadii ay fariintaadu ka hadleeso Bog, fadlan ku qor magaca bogga.
Fadlan fariintaada haku darin fariimaha kale, qeyb yar oo cusub bilaaw.
Ha ilaawin inaad saxeexdo.
Fadlan wax cay ah ama aflagaado ah haku qorin meeshaan.
Fariintaada meeshaan ku qor (Riix)
Xasuusnoow Qodobadan
Dadka dhamaantiis qof kasta wuxuu u qalmaa sharaf iyo xurmo. Dadka qadari si adiga laguu qadariyo.
Wikipedia Soomaaliga qof ama koox si gaar ah u leh ma jirto; waa bar internet ka dhexeeysa dadka oo dhan isla markaana loogu talogalay ineey ka faa'iideeystaan inta fahmeysa luuqadani.
Waajib ayaa kaa saaran horumarinta luuqadeena hooyo, sidaas darteed ka qeyb qaado horumarka bulshadaada.
Qof waxkasta aqoon u leh ma jiro. Hadii aad wax fahmi weydo ama kugu adkaato, fadlan codso caawin.
Isticmaale kasta wuxuu leeyahay bog la dhaho "Bacaadka" kaasi oo loogu tallogalay in qofku ku soo tabobarto isla markaana ku qoro dhamaan qoraalka aan micno iyo faa'iido midna u lahayn bulshada. Fadlan isticmaal boga bacaadkaaga si aad u tijaabiso dhamaan qoraalada aad sameeyneso.
Luuqadeena Af-Soomaaligu weli ma qaangaadhin, sidaasi darteed waxay leedahay gef iyo khaladaad badan oo ku saabsan isticmaalka naxwaha luuqada, marka isku day inaad qorto wax dadka kale fahmi karaan si looga faa'iideeysto.
Markasta xasuusnoow ujeedada Soomaali Wikipedia u furan yahay waa in bulshadu ku kala faa'iideeysato marka adigu ha noqon mid lagu khasaaro!
Igu saabsan
Waxaa ahay Maamulaha wikipediaha qeeybtiisa afka-soomaaliga. waxaa aad u rabaa in aa kordhiyo ama aqoontayda ku darsado wikipediaha luqada afka Soomaaliga. Waxii caawin ah ama su'aal ah fadlan fariintaada iigu qor Bogeyga wadahadalka mahadsanid.